Xaflad Qalinjabin C/Sodaalka

Maanta oo ay taariikhdu taha 28/09/2020Taliyaha Ciidanka Socdaalka Iyo Ilaalada Xuduudaha JSL.S/Guuto Maxamed Cismaan Caalin(Dayib)Iyo saraakiil ay wehelinayaan,Ayaa Tababar Aqoon korodhsi ah ugu soo gabagabeeyay Xurunta Taliska Guud ee Ciidanka Socdaalka 16 hawl wadeen ka tirsan ciidanka socdaalka oo mudo (3) bilood ah tababar ugu socday,Isla markaana ku baranayay Cilmiga socdaalka (Immigration).