Qalin jabinta dufcadii 1aad ee hablaha ciidanka socdaalka.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha JSL S/Guuto.Maxamed Cismaan Caalin(Dayib) oo ay waheliyaan saraakiisha ciidanka socdaalka ayaa tababar usoo xidhay qalin jabinta dufcadii 1aad ee hablaha ciidanka socdaalka kuwaas oo ay tiradoodu dhamayd 35 Hablood,halkaas oo ay ku qaadanayeen tababar noocdayadiisu kala duwan yihiin.Madashan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Hogaanka Xafiiska Passportka ciidanka socdaalka G/Dhexe.Maxamuud Cilmi Salsal,Isaga oo hambalyo, dhiiri galin iyo waano uga jeediyay halkaas.Ugu Danbayn Taliyaha Ciidanka socdaalka,ayaa isaga oo hadalka ku dheeraday Hambalyo Iyo Bogaadin uga jeediyay kuna dardaarmay in ay noqdaan kuwa suntan cadaalad iyo shaqo wanaag maadaama uu yahay ciidanka socdaalka(Immigration) Muraayada wadanka laga so galo…..